Muqdisho {Arabsiyo News}-Shir madaxeedkii dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa goor dhow lagu soo gebagebeeyey hotel Peace oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Waxaa shirkan ka qeyb galay illaa afar Hogaamiye oo ka tirsan madaxda todobada dal ee xubnaha ka ah ururkan, kuwaasoo kala ah Madaxweynaha Ugandha Musaveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Raisul wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desigln iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.
Waxaa shirkan sababo kala duwan awgood uga baaqday hogaamiyeyaal oo la filayey iney ka soo qeyb galaan waxaana u metelayey danjirayaal iyo wufuud kale.
Gebagebada shirka ayaa waxaa laga soo saaray War murtiyeed ay isku raaceen madaxii ka qeyb gashay, kaasoo saxaafada loo qeybiyey goor dhow, waxaana madaxda ka qeyb gashay la filaya iney isla galabta dib ugu laabtaan dalalkoodii.
Qodobada War-murtiyeedka laga soo saaray iyo waxyaabaha kale oo ka soo baxay shirkan wararkeena soo socda ayaan idinkugu soo gudbinaynaa Insha ALLAAH.











