Muqdisho {Arabsiyo News}-Raisul wasaaraha dowlada Itoobiya Haile Mariam desilgn ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Somalia.
Waxaa Salaan sharaf ay ka wada qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaana loo gudbiyey hoolka uu ka dhacayo shirka IGAD oo ku dhow garoonka Aadan cadde.
Wakaaladaa wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa iyana goor dhow faafisay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ii horkacayo ay iyana soo gaareen Muqdisho, waxaana la sugayaa madaxwenayaal kale.
















