London (Arabsiyo-News):- Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK David Cameron ayaa iska casilay xubinimada Baarlamaanka, isagoo caddeeyay in aanu dooneyn inuu dadka ka mashquuliyo Ra’iisul Wasaaraha cusub Theresa May.

David Cameron oo ka hadlayay halka uu ka soo jeedo ee Witney, halkaasoo tan iyo sanadkii 2001 uu ku matalayay Baarlamanka.
Mr Cameron ayaa sanadkii 2005-tii noqday Hoggaamiyaha Xisbiga Conservative iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha UK sanadkii 2010.
David Cameron oo 49 jir ah ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha cusub Theresa May inay horumar ballaadhan ka sameysay dib u habeynta arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK David Cameron ayaa is casilay bishii June, kadib aftidii Britain uga baxday Midowga Yurub.








