Arabsiyo Sport Manchester City Iyo Pep Guardiola ayaa guul gaaray kulankii Manchester Derby iyadoo Manchester United iyo Jose Mourinho ay la kulmeen guuldaro weyn.
Man United ayaa guuldareysatay kulankii ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan iyadoo ay u tahay wax xanuun badan macalinka reer Portugal inuu guuldaro kala kulmo nin ay aad u xifaaltamaan ee Pep Guardiola halka United ay guuldaro wadno qabad ah kala kulantay kooxda ay daris cadawga yahiin ee CitizensLabada koox ayaa nasiinada ku aaday 2/1 waxaana labada gool ku horeysay City oo ay u kala dhaliyeen Kevin de Bruyne iyo Kelechi Iheanacho.
Goolka bar bar dhaca United oo qurxoonaa waxaa u dhaliyay Zlatan
Arabsiyo.net
Hargaysa Office








