Moqdisho (Arabsiyo-News):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goordhaw Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu ka hadlay Shirka Madaxda IGAD ku yeeanayaan Muqdisho ,sababta loo xidhay Wadooyinka magaalada Muqdisho iyo arimo kale oo muhiim ah.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu qabanayo Shir Madaxeedka IGAD, waxa uuna tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ay si weyn ugu diyaar garowday marti galinta shirkaasi muhiimka ah.
”Dalka waxaa horey ugu shiray Wasiirada Arimaha Dibada IGAD, waxaan hadana marti galineynaa Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD, waa arin taariikhi ah maadama markii ugu horeesay uu shirkan ka dhacayo Soomaaliya” Ayuu yidhi Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay ayna heegan ku jiraan ciidamada amaanka si looga hortago in falal amaanka lidi ku ah in ay dhacaan shirka kahor.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sababta loo xidhay Wadooyinka magaalada Muqdisho in ay tahay xaqiijinta amaanka, waxa uuna ugu baaqay shacabka in aysan culees u dareemin wadooyinka xiran lana shaqeeyaan ciidamada amaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Shirka jaraa’id uga hadlay Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran uga socda magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in shirkaasi uu meel fiican marayo ayna kasoo baxayaan natiijooyin wax ku ool ah.









