SIDEED KAALIYE OO KA HAWL GALA MAXKAMADA RACFAANKA GOBOLKA MAROODI-JEEX OO LOO XIDHAY ARIN KU SAABSAN FACEBOOGA IYO GUDOOMIYAHA MAXKAMADA OO KA HADLAY

0

Hargaysa {Arabsiyo News}–Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay sababta keentay in la xabsiga loo taxaabo qaar ka mid ah Hawl-wadeeno ka tirsan Maxkamadaha racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeisa. Waxaanay Maxkamadu sheegtay in Dadka la xidhay ay samaysteen  Face-book account been abuur ah lagana been abuuray Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka M/ jeex . Cali Suudi Diiriye.

facebook_2

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil “ Halac” ayuu kaga sheekeeyey sababta waqtigan keentay inay xabsiga u taxaabaan kaaliyayaashani, “ Face-book been abuurka ah waxa lagu faafiyey  warar been abuur ah oo boro-bogaande ah, looguna talo galay in layskaga hor keeno bahda Caddaalada iyo Garsoorka”

ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Dalmar.

Waxa kale oo uu gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Hargeysa uu sheegay in ay wali gacanta ku hayaan baadhistii haayada amaanku isaga oo arimahasi mar kale ka hadlaya waxa uu yidhi.

“ baadhistii kiiskani way socotaa, waxana gacanta ku haya Hay’adaha baadhista Dambiyada. Waxanay Maxkamada ka soo codsadeen waaran sharciya oo lagu qab-qabanayo kaaliyayaashan kaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin” waxana war-saxaafadeedkan lagu soo gabagabeeyey “ waxa la hor keeni doonaa Maxamad awood u leh iyaga oo heli doona garnaq Caddaalad ku dhisan