Muqdisho{Arabsiyo News}–Sargaal katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay agagaarka Ex-Contarool Afgooye ee magaalada Mudisho, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan dilka loo geestay sargaalkan.
Sargaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Col. Geesey Cali Indhool, waxa uuna ahaa Taliye Urur ka tirsanaa Guutada 3aad ee ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana dilkiisa ka dambeeyay nin la sheegay in uu kamid ahaa ilaaladiisa.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dilka sargaalkan uu ku dhacay qaab aan ku tala gal aheyn, waxaana dilka ka dambeeyay askari la sheegay in ay qaraabo ahaayen sargaalkan katirsanaa milatariga ee geeriyooday.
Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay askarigii dilka ka dambeeyay, waxaana socda baaritaano lagu sameenayo qaabka uu u dhacay dilka Col. Geesey Cali Indhool .
Marar badan ayaa sidan oo kale waxaa u dhacay dilal ay askar katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ugu geesteen saraakiisha iyo taliyaashooda, waxaana falalkan oo kale ka dhaceen goobaha ay dowlada kataliso.
Muqdisho Desk
ArabsiyoNews@gmail.com








