Puntland Oo Sheegtay In Ay Deg Deg U la Wareegayso Gobalka Laascaanood Iyo Waxa Ay Uga Jeedo (Warbixin)

0

Puntland {Arabsiyo-News}–Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xariirka gobalada Puntland oo ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay Puntlandsi deg deg ah uga jawaabayso arrimaha  magaalada Laascaanood.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in ay waajibad ka saaran yahay sugida iyo Difaaca guud ee dalka, haddana ay qaadan doonto waajibaadkeeda guud, isagoo ula jeeday in ay Puntland dib ula wareegayso gobalkaas.

isaga oo sheegay in anay ka aamusi doonin xaaladda Laascaanood oo ay Ilgaar ah ku hayso jawaabna ka bixinayso,

Wasiiru dowlaha waxa kale oo uu sheegay in ay ku dagaalami doonan laascaanod xoogna ay ku qabsano doona wakhti Dhow waxa kale oo uu sheegay in ay ku guubaabiyeen odayaasha reer Puntland in laascanood la qabsado

laascanood waxay ka mid tahay gobolada somaliland waxana lagu tilmaama magaalooyinka uga amaanka fiican magaalooyinka somalilad oo xududaheeda ay yihiin mid ay sifican u sugaan ciidamada kala duwan ee somalilad

magaalada Laascaanod ee xarunta gobolkasool waa magaalo wayn dhisme ahaan waxana mudooyinkii u danbeyey ka muuqday koboc dhaqaale iyo mid horu marineeed oo ay ka hirgelisay xukuumada madaxwayne siilanyo

 

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com