Waxaa maanta Diyaarado jaad siday kana soo duulay Garoonka Diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi kusoo dageen qaar kamid ah garoomada Diyaaradaha ee kuyaala Gobolada Dalka Soomaaliya.
Diyaarado jaad kasoo qaaday magaalada Naarobi ayaa saakay kasoo degay garoomada Diyaaradaha magaalooyinka Gaalkacyo, Qardho, Laascaanood iyo Magaalada Guriceel, waxaana magaalooyinkan ay yihiin kuwa ay ka arimiyaan maamulo dalka ka jira.
Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa maanta wax diyaarad ah kasoo degin, waxaa sidoo kale Diyaaradaha jaadka ka keeni jiray dalka Kenya aysan kasoo deign garoomo kale oo kuyaala gobolada dalka.
Maamulada Somaliland iyo Puntiland ayaa horey uga soo horjeestay amarkii Dowlada Soomaaliya ku manuucday diyaaradihii jaadka uga imaan jiray dalka Kenya, waxa ayna maamuladaasi sheegeen in uusan quseyn amarkii Dowlada soo saartay.
Dowlada Soomaaliya ayaa si KMG ah waxa ay u joojiyeen Diyaaradihii jaadka ka keeni jaray dalka Kenya, waxa ayna amaradaasi uu saameyn badan ku yeeshay ganacsatada Jaadka ka keeni jiray dalka Kenya iyo kuwa ku ganacsan jiray gudaha Soomaaliya.








