Hargeysa (Arabsiyo-News):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xussen ayaa waxaa uu sheegay in warar hoose oo uu ka helayo xubno ka tirsan xukumada Somaliland ay u xaqiijiyeen in aan Faysal Cali Waraabe lagu cusuumin in uu ka soo qeyb galo saxeexa heshiiska Dp World Iyo xukuumada Somaliland dhawaan ku dhex maray magaalada Dubai dhex maray
Sidoo kale Jamaal Cali Xussen ayaa waxaa uu sheegay sababta uu Faysal Cali Waraabe uu kulankaasi uga qeyb galay ay tahay isaga oo aaminsan in arintani ay ka caawin karto sidii loogu xukumi lahaa dacwada xisbigiisa ee maxkamada sare dhawaan bilaabi doonto isla markaana ay tahay talaabo uu xukuumada ku xod xodanaayo
Waxaana uu ugu baaqeyna in uu ENg Faysal Cali Waraabe ka mid noqdo xukuumada iyo xisbiga Kulmiye isla markaana uu buuqa ka daayo xisbiga UCID waa sida uu hadalka u dhigaye
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan








