Arabsiyo-News—Dowlada Soomaaliya ayaa si KMG ah waxa ay u joojisay Diyaaraidihii jaadka ka keeni jiray dalka Kenya, waxaana arintan ay saameyn badan ku yeelanysaa aadna uga naxay Muqayiliin badan oo ku sugan qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.
Amarka lagu joojinayo Diyaaradaha jaadka ee ka imaanayay dalka Kenya ayaa maanta bilowday meelo badana ka dhaqan galay, waxaana garoomo badan oo dalka kuyaala maanta aanan kasoo dageyn Diyaaradihii jaadka maalin walbo ka keeni jiray dalka Kenya.
Muqayiliin badan ayey arintan saameyn badan ku yeelatay aadna u murugsan kuwaa oo durba bilaabay walaaca arintan, waxa ayna isweediinayaan waxa kalifay in laga joojiyo jaadkii uga imaan jiray dalka Kenya, waxa ayna qaarkood shalay horey u iibsadeen jaad badan si ay maanta usii cunaan isaga oo baarixi ah.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay in jaadka laga joojiyo Soomaaliya, waxa ayna tilmaameen in jaadka dhib mooyee uusan wax faa’iiido ah ugu jirin umada Soomaaliyeed, waxa ayna ugu baaqeen Dowlada in si buuxda jaadka dalka looga mamnuuco.
Dowlada Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in laga bilaabo maanta oo talaado ah jaadka si KMG ah looga joojiyay Soomaaliya, walina lama oga sababta arintaasi ka dambeysa, waxaana jaadka Soomaaliya la keeno malaayiin dollar ka faa’iidi jiray Dowlada iyo shacabka Kenya halka Soomaaliyana ay dhibatao badan ka dhaxasho jaadkaasi.
Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com
ArabsiyoNews.com








