Muqdisho {AN}-Qarax xoogan oo dhaliyay Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiayy sadex qof oo labo kamid ah ay ahaayeen hoooyo iyo gabar ay dhashay ayaa ku dhintay qaraxaasi , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar qof oo kale ay ku jiraan dad shacab ah.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino lala eegtay goob la sheegay in ay ku sugnaayeem ciidamo katirsan Dowlada, waxaana qaraxaasi ciidamada kasoo gaaray qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Suuqa Bakaaraha ayaa inta badan looga baran in ay ka dhacaan qaraxyadaa miino, waxaana qaraxan maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha qasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad shacab ah.
Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com
Arabsiyo.Net








