Muqdisho {ArabsiyoNews}–Rasaas xoogan oo ka dhaceysa qoryaha darandooriga u dhaca ayaa caawa maqribnimadii laga maqlay agagaarka warshadii hore ee caanaha oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Tacshiiradan oo u muuqata mid labo dhinac ay isweydaarsanayaan ayaan la ogeyn illaa hadda cida ay u dhexeyso, hase ahaatee waxaa halkaas fariisin ku leh ciidamo ka tirsan milareriga Somalia gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay israsaaseyntan iyo cida rasmiga ah ee halkaas ku dagaalameysa, wixii ka soo kordha kala soco Arabsiyonews.com wararkeena ugu horeeya insha ALLAAH
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com








