Muxuu Muuse Biixi Ka Yidhi Mar Uu 1994-kii Gacanta Ku Dhigay Ambasaddor Cawil Oo Dalka Yimid Looguna Sheegay Inuu Khalkhal Gelin Dalka Usoo Galay, Muxuuse Cawil……?
Hargeysa (AN) – Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi,Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa si layaableh uga sheekheeyay qisooyin taariikhi ah oo aad uqosol badan oo soo kala dhex maray Isaga iyo Ambassador Cawil,kuwaasi oo soo taxnaa Wakhtigii uu Muuse Biixi Wasiirka Arimaha Gudaha ka ahaa Dawladii Marxuum Cigaal iyo Wakhtigii Xukuumaddii Daahir Riyaale Dalka ka ariminaysay ee uu Cawil sida wayn uga dhex muuqday,iyo Waliba doorkii uu ku lahaa Muranadii badnaa ee Kulmiye iyo UDUB,iyo korodhsiimaddii Dhawrka jeer loo sameeyay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa arimahan kaga sheekeeyay Xafladii Daahfurka Buugga Raad-Raaca Taariikhda Soomaalida ee uu Ambassador Cawil Qoray,oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa. Dadkii Xafladdaasi ku sugnaa ayaa Qosol kala goyn waayay Intii uu Muuse Biixi ka sheekaynayay Qisaska taariikhiga ah ee dhex Maray Isaga iyo Cawil,waxa uu yidhi“Anigoon Arag Cawil ayaan 1994-kii,Anigoo wakhtigaasi Amniga Qaabilsan,oo Amniga ilaalilanaya ayaa waxa la igu yidhi,Waxa diyaarad yar oo soo fadhiisan doonta ka soo degi doona nin sita Shandad lacag Dollar ah,oo Somaliland kala tuuraya,Oo khatar ah,Waan u soo diyaar garoobay,Nin Weyn oo feedho weyn ayaan eegayay,waxa uu noqday Oday yar oo iska Luudaya,dhab ayaan siiyay,Madax iyo mijo ayaan iskaga duubay,Waan la cararay,Meel yar oo halkan ah ayaan la tagay,Shandadiisii ayaan baadhay,isagii ayaan baadhay,Waxaan boqol doolar ka badnayn ayuu sitayba,Waxaan ku idhi,Waar cid ku garata horta hala helo,Markaasi ayuu igu yidhi,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaanu isku Kalaas ahayn,Waan yaabay,oo barigaasina Telefoonna may jirin”.
Waxa kale oo ka sheekeeyay Wakhtigii Xukuumaddii Riyaale iyo Cawil“Iska Soo Wareegtay Oo UDUB ayaa la yimid,Qoladayadii Kulmiye,Waxa lanagu yidhi,Ninkaasi ina Riyaale waa nin wanaagsan,waa nin Miskiin ah oo Ilaahay Garanaya,Masiibo Cawil la yidhaahdo,ayaa ku maran,Murankii ayaa batay oo waa la kordhiyay oo Cirkaabay isku shareertay,khatar ayaa lagalay,Anagoo intayadii Kulmiye ugu waa Weynayd wada fadhina ayuu telefan igu soo dhacay,Waa kuma,Isna waakan hoos u yara hadla ma ogtahay,Adeer waa anigee,Waa wasiirkii maaliyadda,Waa cawil eh,Raggii kale ayaa igu yidhi Waa ayo,Waa kii Khatarta ahaa,Waa Cawil,waxay intoodii badnayd soo jeediyeen inaanaan u tagin”Khatar”,waxaa ku idhi,aniga ayaa u tagaya,Guriga ayaan ku balanay,Cawil habeenkaasi waanu sheekaysanay,Waa uu ii qaboojiyay,Hadal wanaagsan oo odaynimo oo nabad ah oo dadka isku soo jiidaya ayaanu wadaagnay,Kulamo dambe ayaa dhacay oo guul ayaanu wada gaadhnay”.
Muxuu Muuse Biixi ka faa’iidaystay Cawil ee uu ka guntay,“Maalin kale ayaan ku idhi waar cawil,dadkuna aad iyo aad ayay ku xantaan,balaayo iyo baas uunbaa lagaa sheegaa,Waadigan iska fadhiya ee Aaamusan ee hadalka gaabinayee,Maxay kuu sheegtaan,markaasi ayuu yidhi “Waa caynkaasi oo Adigaba “Muuse’ intaasi way kugu dambaabayaane,Waxaad yeeshaa,Dee sidaasi uun ku wad oo iska adkayso,dar daarankaasi ayaan ka qaatay “Way kugu dambaabayaane iska adkayso”.
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews.com
Source: Foore









