Arabsiyonews—-Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horyna uga mid ahaa Hogaamiyaashii Kooxaha ee ka talin jiray Muqdisho ayaa weerar afka ah waxa uu ku qaaday Qurbo joogta xil doonka ah ee dalka kusoo laabanaya.
Muuse Suudi oo ka qeyb galayay Barnaamij dood Wadaag ah uu marti ku ahaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Qurbo joogta Soomaaliyeed kuwa aan micno badan laheyn, isagoona usoo qaatay tusaale uu horey usoo arkay.
Waxa uu sheegay in dadka hada doonaya in ay Xildhibaano noqdaan ama dalka Madaxweyne ka noqdaan in ay ku jiraan kuwa Qurbaha ka yimid oon waxbo kala garan, waxaana hadalka Muuse ku qoslay Madaxweynaha Soomaaliya oo madasha ku sugnaa.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka Muuse oo Madaxweynaha ka Qoslinaya








