DAAWO XILDHIBAAN XASSAN CAWAALE OO MAAYARKA HARGEYSA U HANJABEY 

0

Hargeysa (Arabsiyo-News):- Xildhibaan Xassan Cawaale Ceynaan oo ka mi ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golahaasi ayaa waxaa uu warbaahinta u mariyey hadlo hanjabaad u muuqda maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco.

 

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in maayarka Caasimadu uu gudida arimaha bulshada ee uu gudoomiyaha  u yahay laba jeer oo ay la balantey labadaba  u aray isla markaana uu hor imaan waayey

Sidoo kale xildhibaan Xassan Cawaale ayaa waxaa u xusay in maayarku  saddex jer oo hore uu ka maqnaadey balamo ay la  lahayeen gudida joogtada ah ee golahaasi  waxaana uu su,aal galiyey sababta ku kaliftey talaabooyinkaas

Waxaana uu xildhibaan Xassan Cawaale ku hanjabey in gudidiisu golaha hor keeni doonto mooshinkii lagu dhimaayey awooda maayirada  xilka lagaga qaadi karo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan