Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war ka soo saaray warar maalmo ka hor ay baahiyeen warbaahinta qaarkood oo sheegayey in askar ka tirsan Ciidankooda iyagoo iibinaya shidaal lagu qabtay Muqdisho, laguna xiray xabsiyada ciidanka nabad sugida.
Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu beeniyay in ciidanka Nabad sugida Somalia ay Muqdisho ku qabteen askar ka tirsan ciidankooda oo shidaal iibinayay.
AMISOM ayaa wararkaas ku tilmaantay waxba kama jiraan, iyo been la dhoodhoobay oo aan sal iyo raad laheyn, aysana jirin haba yaraatee askar ciidankooda ka tirsan oo la xiray.
Warbaahinta Muqdisho qaarkood ee baahiyay wararkan ayaa AMISOM waxay ugu baaqay iney ka fiirsadaan iskana hubiyaan wararka ay bulshada u gudbinayaan.
Warbaahinta Muqdisho qaarkood oo soo xignayey saraakiil aan la magacaabin ayaa maalmo ka hor sheegay in ciidanka nabad sugida Somalia ay qabteen xabsigana u taxaabeen labo askari oo ka tirsan AMISOM kuwaasoo iibinayey shidaal iyo qalab kale oo laga soo xaday saldhigyada AMISOM.








