Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo qaabiley Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

0

Hargaysa(AN)Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi,
waxa uu la kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland
iyo Soomaaliya Harriet Mathews iyo wefti ay hoggaaminayo oo booqasho ku
yimi dalka Somaliland.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo uu weheliyo
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed
Cabdi-dheere), waxay weftiga Safiirka la yeesheen kulan saacado qaatay
oo ka dhacay huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa galinkii dambe
ee maanta, kaas oo ay kaga wadahadleen arrimo ku saabsan danaha labada
dal ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo waxyaabaha ay ka wadashaqeeyaan.
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay
iska waraysteen xaaladdaha guud ee Mandaqada, qaddiyadda Jamhuuriyadda
Somaliland iyo dhinacyada dawladda Ingiriiska iyo guud ahaan beesha
caalamku kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa.
Labada dhinac waxay si xoogga ah uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka
Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo u diyaargarowga
qabsoomidooda.
Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi waxa uu u sheegay in hawlaha

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

loogu diyaaragaroobayo doorashooyinku gabogabo yihiin, maadaama
diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinku dhammaad ku dhawdahay oo
uu socdo gobolkii u dambeeyey oo ah Sool. Waxa kaloo uu u caddeeyey
weftiga Ingiriiska mowqifka xisbiga iyo xukuumaddiisu inuu yahay in
doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda bisha March 2017, isl markaana
ay horeba u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn doorashada
Madaxtooyada, balse caqabadda keliya ee jirtaa ay ku kooban tahay
doorashada Golaha Wakiillada oo xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaannadu
aannu weli diyaar ahayn.
Qodobada kale ee masuuliyiinta KULMIYE iyo Safiirku ka wadahadleen waxa
ka mid ahaa wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo
horumarin laga sameeyo gobollada bari ee Somaliland, iyadoo la
qiimaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka hirgashay iyo shirarka
wadahadallada wax-wada-lahaanshaha iyo nabadda ah ee u socda shacabka
deegaanadaasi iyo dawladoodda.
Dhankeeda Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Harriet
Mathews oo ay wehelinaysay sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan
Safaaradda UK ee Itoobiya Lizzie Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo
dhawaynta iyo kulanka ay la yeesheen hoggaanka xisbiga KULMIYE.
Harriet Mathews waxay soo dhawaysay dadaallada xisbal-xaakimka
Somaliland iyo xukuumaddiisu wadaan iyo mowqifka cad ee rabitaankooda
doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda.
Waxa kaloo Safiirku xustay in dawladeeda Ingiriiska ay ka go’antahay sii
wadida taageerada hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha
horumarinta adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
_________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyemanager@gmail.com