Hoggaanka Xisbibga KULMIYE oo ka Qaybgalay Wanqasha Degmada cusub ee Gumburaha

0

Hargeysa (AN)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE,
ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey wanqasha degmada
cusub ee Gumburaha ee gobolka Hawd oo ka mid ah degmooyin cuusb oo uu
dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Wefti KULMIYE ka tirsan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka
koowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, is markaana ay xubno ka
ahaayeen Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, hoggaanka garabyada
haweenka ee heer qaran iyo heer gobol iyo weliba saraakiil kale oo
xisbiga ka mid ah, ayaa ka qaybgalay xafladda Wanshaha Gumburaha oo ka
dhacday goob si qurux badan looga asteeyey degmadaasi maanta, iyadoo
masuuliyiinta xisbiga iyo wasiirro badan oo ka tirsan Golaha Wasiirrada
Xukuumadda oo ka qaybgalay wanshaqa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey
madasha, kuwaas oo khubado ay halkaas ka jeediyeen oo soo jiitay
dadweynaha deegaanka kaga warramay taariikh iyo weliba muhiimada ay
degmada cusubi leedahay.

DSC_0002.JPG_005
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo hadal ka
jeediyey xafladda, ayaa dardaaran dhaxalgal ah ujeediyey shacabka ku
dhaqan degmada cusub ee Gumburaha, waxaannu ku adkeeyey inay ka
shaqeeyaan dhismaha iyo weliba horumarinta degmada, “Degmooyinka ujeeddo
gaar ah baa loo saameeyaa, sababta ay dadkii u soo halgamay hawsheeda u
wadeen waxay ahayd inay kor-u-qaado mujtaca halkan deggen dhinacyada
waxbarashada, biyaha iyo caafimaadkaba. Haatan waxa la idinka rabaa in
degmada la wada dhisto oo la derdergeliyo, maadaama dhawaan la
xisaabtami doono marka kala xadaynta degmooyinka iyo gobollada la
sameeyo,” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin
Axmed oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda
degmada Gumburaha leedahay, isagoo si gaar ahna uga sheekeeyey taariikho
hore ay degmada goob-joog uga ahaa xilliyadii halgankii hubaysnaa ee SNM
lagu jirey oo ay ka mid ahayd talisyadii ciidamadu fadhiyi jireen,
waxaannu yidhi, “Anigu waxaan ahay ninka ugu xiga degmada cusub ee
Gumburaha, geedkan innagu dheggenina waa taliskaygii guud ee ciidamada
SNM, waxaan hubaa inay tahay magaalo istaahisha in degmo laga dhigo oo
weliba aan is-leeyahay waa lagala soo daahay, haddiise degmo laga dhigay
waxaan aaminsanahay inay noqonayso degmo dhismaysa oo horumaraysa, waayo
waxaan garanayaa oo ku qiimaynayaa ficilka dadka halkan deggen oo aannu
xilliyo adag halkan la deggenayn.”
Md. Maxamed Kaahin waxa kaloo uu si gaar ah uga hadlay shacabka ku
dhaqan degmada Gumburaha oo uu ku tilmaamay qaar xilkas ah, waxaanu
sheegay inay farxad gaar ah u tahay inuu wanqasha degmadii xilligii
halganka fadhiisinka u ahayd maanta goob joog u ahaado,“Magaaladani
waxay leedahay odayaal iyo waayeel xilkas ah oo hoggaamin leh, waxay
leedahay shicib aad iyo aad u wanaagsan, waana dad aad iyo aad u
deeqsiyaal ah, waxaana sharaf weyn ii ah in anigoo jabhad halkan ku
joogay inaan maantana goob-joog ahaado in Gumburaha loo magacaabay
degmo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin,
waxa uu halkaas kaga dhawaaqay deeq lacageed oo Toban kun oo dollar ah
oo uu xisbiga KULMIYE Kaga qaybqaadanayo horumarka degmada cusub ee
Gumburuha, “Waxaannu qorshaynay inaannu maanta Guddoomiyaha guddida
Beesha halkan degen ku wareejinno lacag dhan Toban Kun oo Dollar
($10,000), wixii kale ee baahiyaheeda ah waanu la socon doonaa,” ayuu
yidhi Md. Maxamed Kaahin, waxaanna markii uu hadalkaasi ku dhawaaqa is
qabsaday sacab iyo mashxarad ay isla oogsadeen shacabkii madasha joogay,
iyadoo shacabka deegaanku garwaaqsadeen sida hagar la’aanta ah ee
xisbal-xaakimku u garab taagan yahay deegaankaasi, isla markaana ay
iyaguna u taageersan yihiin.

 

Arabsiyo.net

Hargaysa Office