BOOLISKA MAGALADA CALGARY OO OGALAADAY IN DUMARKA BOOLISKA KU JIRAA XIDHANKARAAN XIJAABKA.

0

Calgary(ArabsiyoNews)Booliska magaalada Calgary ee dalka Canada ayaa ogolaaday in dumarka ka shaqeeya laamaha booliska ay xidhan karaan xijaabka ,si ay dumar badan oo muslimiin ahi ay ugu soo biiraan shaqada booliska.

Biiliska-kal

Waxaa sidan oo kale talaabadan ansixyay Edmoton iyo Toronto,waxaana hadda ka dib uu xijaabka kamid noqon doonaa dharka lagu aqoonsado dumarka muslimiinta ah ee booliska la shaqeeya.

Rob Patterson oo kamid ah booliska Calgary oo arinkan ka hadlay ayaa yidhi “Sharcigan waxaa la ansixiyay sanad ka hor ,waayo waa ay yarayd gabdhaha muslimiinta ah ee shaqadan soo dalbanaya, balse hadda ka dib waxaan rajaynayaa in ay dumar badan soo dalbadaan,ma jiro waqti badan oo aan khasaarin-no”Rob oo mas’uul
ka ah kormeeridda dharka booliska ayaa sheegay in markii hore ay jirtay walaac laga qabay bad-baadada xijaabka ,balse hadda ay gacanta ku hayaan horumarinta naqshada uu noqon doono xijaabka ay adeegsanayaan dumarka booliska ah.

“ Waxaan is tusnay in xijaabka lagu ceejin karo qofka xidhan , waxaana hadda aan ka shaqaynaynaa sidii aan u heli lahayn naqshad amniga qofka aan waxba u dhimanaynin “ ayuu hadalkiisii sii raacshay.Magaalada Halifax ayaa dumarka loo ogolyahay adeegsiga xijaabka hadii ay soo codsadaan halka booliska magaalada Vancouver uu arintan tix-galin gooni ah siinayo ,iyada oo kaliya lagu xidhayo amarka taliska sare ee booliskaQaar kamid ah dumarka ku jira booliska magaalada Ottowa ayaa ogolaansho u haysta xidhashada xijaabka ,iyadoo mid kamid ah dumarka booliska ah ee magaalada ay isticmaasho sheeladda madaxa lagu xidho, taasi oo dhiiri-galin u noqon karta dumar badan.

Ugu danbayn,booliska Calgary ayaa sheegay in arintan la ogolaaday ka dib kulamo lala qaatay bulshada musliimiinta ah ee ku nool Calgary ,isla markaana go’aankan uu daba-socdo mid uu booliska Edmonton dumarka ugu ogolaaday in ay istimaalaan xijaabka sanadkii 2013-ka.