XOG: Kala saarida Musharixiinta Ree Awdal ee u tartamaya Jagada Madawayne ku xigeen ee Xisbiga Wadani oo saamayn Taban ku yeelatay Dib u dhaca Shirwaynaha Xisbigaas

0

 

REF/XIS/WAD/XDH/2340/2016 Taariikh: 24 August, 2016

 

War-Saxaafadeed

 

Iyada oo Guddiga Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI hore u iclaamiyey in shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsoomayo 1-2 October, 2016.

Waxaa lagu war-gelinayaa dhammaan Laamaha dibedda, gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha Golaha Ghexe ee Xisbiga WADDANI in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay qabshada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI 10-11, October 2016

ALLAA MAHAD LEH

 

_________________________________

Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcade

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI