Deg Deg Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo saakay Xiran iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay

0

Arabsiyo News—-Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi xiray lana soo dhigay ciidamo badan oo katirsan Milatariga Dowlada Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku helnay Wadooyinkan ayaa loo xiray xaqiijinta amaanka inta uu socdo aas heee Qaran ah oo maanta la filayo in magaalada Muqdisho loogu sameeyo Meydka Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo saakay meydkiisa Muqdisho la keenayo .

Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kala duwan ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameenayo Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana kusoo toosay wadooyinka oo intooda badan xiran loona diidayo in ay gaadiidka adeegsadaan, waxaana wadayaasha qaarkood ay marayaan Wadooyin qardo jeex oo mararka qaarkoox xitaa laga soo celinayo.