TACSI
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku
hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba
taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan
qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle
ha u naxariistee Marxuum Cumar Axmed Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada
Addis Ababa ee dalka Itoobiya, laguna aasay caasimadda Somaliland ee
Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 22/08/2016.
Marxuum Cumar Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa odayaasha reer Hargeysa waxa
uu doorar shariifka ah ku lahaa hawlihii kala duwanaa ee dalku soo
maray.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa
Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka, madaxdhaqameedka iyo
shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE








