Shacabka ku Dhaqan Caynaba oo Isu-soo-bax Ballaadhan ku Muujiyey
Taageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Taariikhda ka Dhaxaysa
Caynaba (ArabsiyoNews)- Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka
Saraar ee Somaliland, ayaa xaqiiyey taageerada ay u hayaan
xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo taariikhda u
dhaxaysa xisbiga.

Isu-soo-bax ballaadhan oo dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba
sameeyeen maanta ayey soo dhawayn iyo qaabilaad ugu sameeyeen wefti uu
hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha
ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar qayb ah wacyigelinta
diiwaangelinta codbixiyayaasha u jooga gobollada Sool iyo Saraar oo ay
si rasmi ah uga furmi doonaan sanaaduuqdoodu berri subax.

Soo dhawayn ay ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay
jidadka magaalada Caynaba oo lulayey calamada Qaranka Jamhuuriyadda iyo
midka xisbiga KULMIYE, isla markaana ku dhawaaqayey erayo ay ku
taageerayaan Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi,
ayaa markii dambe isugu tagay Fagaaraha Khayriyada ee badhtamaha
magaalada, halkaas oo Halkaas oo masuuliyiinta iyo madaxda heer gobol
iyo degmo kala hadleen.

Cuqaasha, odayaasha, waxgaradka, aqooyahanka, haweenka iyo dhallinyarada
reer Caynaba oo hadallo ka jeediyey Fagaaraha Khayradda ee loogu
xafladeeyey soo dhawaynta weftiga xisbal-xaakimka Somaliland, ayaa
dhammaantood iska dabamaray taageerada deegaanku u hayo xisbiga iyo
murrashaxiisa jagada Madaxweynaha oo ay ku tilmaameen nin abaal fara
badan ku leh dalka iyo dadkaba, isla markaana ah qofka u mudan maanta ee
lagu aamini karo taladiisa.

Cuqaasha madasha ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Maxamed
Daroor, Caaqil Cali Buraale, Caaqil Kaariye iyo qaar kale, waxay ka
warrameen taariikhda iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya
xisbiga KULMIYE iyo dadweynaha deegaannada Gobolka Saraar.
Guddoomiyaha Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax, Wasiirka Wasaaradda
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xasan
(Caga-yare) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kuwaas oo
dhammaantood u jooga Gobolka Saraar hawlaha dardargelinta diiwaangelinta
codbixiyayaasha, ayaa iyaguna ku bogadiyey bulshada reer Caynaba sida
diirran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga KULMIYE, waxaanay u tibaaxeen
waxqabadka iyo guulaha xukuumadda xisbigu ka samaysay guud ahaan dalka,
gaar ahaana Gobolka Saraar, sidaasi darteedna loo baahan yahay in
shacabku ku qiimeeyo waxtarkaasi doorashooyinka soo socda.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige
(Shabeel), ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Caynaba,
waxaanay kula dardaarmeen guud ahaan dadweynaha Gobolka Saraar in aanay
u kala hadhin ka qaybgalka diiwaangelinta.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha
ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dareen farxadeed ka bixiyey
qaabilaadda iyo taageerada uu kala reer Caynaba, taas oo uu ku macneeyey
gobonimo iyo jacayl lagu yaqaan oo dhexyaal iyaga iyo xisbigiisa.
“Xisbiga KULMIYE bulshaynta Bari iyo Galbeedba waa xisbiga midnimada
Somaliland, weliba waxa uu xisbiyada kale dheeryahay waa xisbiga
mideeyey Mujaahidiintii, Daraawiishtii iyo Cawaale Bustaale oo mid
waliba dhankiisa mujaahid u ahaa, saddexdaasi waa ka Somaliland iyo
dastuurkeennu ku dhisanyahay, waa ka aynu ku nahay xisbiga KULMIYE iyo
bulshayntiisa oo iskaashaday,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu wax ka tilmaamay ballanqaadyada uu ku dhaqmi doono haddii
loo doorto talada dalka, waxaannu yidhi, “Aniga waxa la iga qorayaa
markaynu doorashada ku soo baxno haddii Alle yidhaa oo aan ku dhaqmayaa
barmaamijka xisbiga, sidii uu ugu dhaqmay Axmed Siilaanyo barmaamijkii
lagu doortay, haddana barmaamijkii dib baa loo habeeyey oo wixii innaga
horreeyey ee hawlo ahaa waa la saxay, waxa kaloo aan ballanqaadayaa in
aynu dadka talo-wadaag yeelanno KULMIYE oo dhan, in dalka bari iyo
galbeed si caddaalad ah oo siman looga shaqeeyo oo cid walba xuquuqdeeda
la siiyo.”
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com








