Halkay ku danbeeyeen Xubnihii isku magacaabay Isbaahaysiga Kulmiye ?

0

Hargaysa(AN) Isbahansigii Oo Qaar Xukuumadda Dib Ugulaabteen Iyo Kulmiye, Qaar Aan La Haynin Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen, Dareenada Ku Xeeran Xubno Xirsi Hogaaminayo Oo Imaaraadka Ku Sugan

Xubnihii Isbahaysiga Kulmiye ee ka cadhooday shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye ee wada hadalka la bilaabay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa qaar ka mid ahi dib ugu laabteen Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye kana hadhay isbahaysiga ay ka midka ahaayeen.

Siyaasiyiintan oo markii hore ahaa garab miisaan leh oo gor gortan kula jiray waddani, ayaa waxa ku yimid tafaraaruq maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanayey, waxaana maalmihii u dambeeyey soo baxay  xubno kale oo dib ugu noqday xisbigii ay ka cadhoodeen ee Kulmiye iyo xukuumadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdiwaaxid Cabdi qaadir Cabdiraxmaan oo ku jiray digreetadii u dambaysay ee madaxweynaha Somaliland soo saaray oo loogu magacaabay wasiiru dawle xukuumadda ka tirsan, isaga ooh ore isaga casilay wasiir ku xigeen uu xukuumadda ka ahaa, balse dib loo magacaabay, halka Siyaasi Cabdicasiis Samaale oo isaguna ka mid ahaa garabkaasi lagu dhex arkay xisbiga Kulmiye oo uu dib ugu noqday.

Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna ahaa raggii hogaaminayey siyaasiyiintan is bahaystay, ayaan muddooyinkii u dambeeyey la arag meel uu ku sugan yahay, kaas oo aan muddo dheer lagu dhex arag siyaasiyiintan uu la socday ee wada hadalka la furay waddani, waxana la is waydiinayaa halka uu ku dambeeyey iyo in ay wax iska bedeleen mawqifkii siyaasadeed ee uu kaga cadhooday xisbiga Kulmiye, isaga oo inta badan dalka dibeddiisa ku maqan, iyada oo ay jiraan xubno kale oo la mid ah Maxamed Biixi oo aan iyagana war laga haynin halka ay ku dambeeyeen oo aan lagu dhex arag isbahaysiga.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, Guddoomiye Xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo qaar kale oo ka tirsanaa isbahaysiga wakhtigii shirka golaha dhexe ee Kulmiye ay ka cadhoodeen ka dib, ayaa dib ugu noqday xisbiga Kulmiye, kuwaas oo caddeeyey in ay ka noqdeen fikirkaas hore ee ay ku diidanaayeen qaabka loo maamulay shirka Golaha dhexe, waxaanay sheegeen in ay dib ugu noqdeen xisbigooda oo ay ka laabteen fikirkii ay aamin sanaayeen, arrintaas oo muujisay hoosna u dhigtay miisaankii ay lahaayeen isbahaysigu.

Xubnaha illaa hadda la ogyahay in ay Isbahaysiga yihiin ee wada hadalka kula jira waddani, ayaa waxa ka mid ah Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xuseen Axmed Caydiid, Mawliid Weris, Cabdirisaaq Khaliif iyo shaqsiyaad kale, kuwaas oo muddo dheer wada hadal la waday waddani oo aan illaa hadda la haynin wax natiijo ah oo ka soo baxday wada hadalkaasi, waxaanu hore xisbiga waddani u sheegay in ay socdaan wada hadalladaasi oo aan weli natiijo rasmi ah laga gaadhin.

XWasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la sheegay in uu safar aan la garanayn ujeedadiisa ku tegay waddanka Imaaraadka Carabta, isaga oo ay ku wehelinayaan socdaalkaasi xubno kale oo ka mid ah isbahaysiga oo kala ah Cabdirisaaq Khaliif iyo Mawliid Weris, kuwaas oo ah xubnaha hadda hor kacaya isbahaysiga ee wada hadalka Waddani la wada, iyada oo xisbiga waddani oo aan isku daynay in aanu wax ka waydiinno wada hadalladaasi halka ay ku dambeeyeen ay ka gaabsadeen masuuliyiinta xisbigaasi oo ay sheegeen in ay weli socdaan.

Si kastaba ha ahaatee xubnahan isbahaysiga ka midka ahaa ee dib ugu laabtay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, ayaa hoos u dhigaya meeqaamkii ay siyaasiyiinta Isbahaysigu kula gor gortamayeen xisbiga waddani ee ay wada hadalka kula jireen.

 

Arabsiyo.net

Hargaysa Office