GABADH YAR OO CEERIGAABO MINDI ISKU DISHAY MARKII AY DHACDAY IMTIXAANKII SHAHAADIGA FASALADA 8AAD

0
Gabadh Yar Oo Ceerigaabo Mindi Isku Dishay Markii Ay Dhacday Imtixaankii Shahaadiga Fasalada 8aad

Waxa Ay Iska Listay Dhuunta Iyadoo Geeriyootay Intii Cisbitaalka Loo Sii Siday

Ceerigaabo (Arabsiyo News)- Nimco Axmed Jamac oo ka mid ahayd ardayda dhamaysatay fasalka  8-aad ee Dugsiga Hoose Dhexe  Ee Imaamu Shaafici  oo ku yaalla Magaalada Ceerigaabo ayaa nafta iskaga jartay Mindi  ay dhuunta isaga beegsatay shalay oo Axad ahayd aroornimadii. Sida lagu baahiyey shabakadda telefishanka SBC oo aannu warkan ka soo xiganay.
Nimco ayaa illaa shalay ka walwalsanayd siday sheegeen qoyskeedu  natiijada uga soo baxday Imtixaankii ay la gashay ardayda kale ee gobolada Somaliland kaasi  oo ay  ka mid noqotay 603 arday oo ku dhacay Imtixaankaasi kana gudbi waayay fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe.
Nimco oo da’deeda  lagu qiyaasay 14 jir ilaa 15 jir  ayaa shaqaalaha cisbitaalka guud ee Ceerigaabo isku dayeen inay xaalafeed nolol ku gaadhaan balse dadka deegaanku waxay sheegayaan inay markiiba ay naftu ka baxday oo aan lagu gaadhin nolol wax loogu qaban karo gargaar caafimaadna loo samayn karo.
Wasaaradda waxabarashada oo Khamiistii aan soo dhaafnay ee todobaadkii hore shaacisay  natiijooyinka ardayda u fadhiisatay imtixaanka dugsiyada dowliga ah iyo kuwa gaar ka ah ee manhajka la wadaaga dawladda waxay  sheegtay in sannadkani uu ahaa kii tirada ugu badan ee ardaydu ku dhaceen  imtixaanka gaar ahaan dugsiyada dhexe.
Dhacdadan xanuunka badan ayaa imaneysa xilli dowlado ka tirsan qaaradda Afrika ay qaateen nidaam lagu fududaynayo imitixaanaadka ardayda walwalka faraha badan ku haya, waddama nidaamka cusub qaatay waxaa ka mid ah Koonfur Afrika , Tanzania, iyo Kenya oo baarlamaankeedu uu meel mariyay nidaamkaa cusub.
Hadaba dhacdadan ayaa ah mid gudbineysa farriin ku aaddan sida ay muhiim u tahay in dib loogu noqdo nidaamka waxbarashada dalka oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo, gaar ahaan nidaamka imtixaanaadka, inta aanay xaaladdu faraha ka bixin. Falkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya wakhti dhawaan uun la shaaciyey imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland.