Deg Deg WASIIRAD MUSLIM AH OO KA TIRSANEYD DOWLADA SWEDEN OO SHAQADA ISAGA CASISHAY SABAB LA YAAB LEH.

0

Arabsiyo News–Haweeneyda lagu magacaabo Aida Hadzialic oo ah Wasiirka ugu da’da yar dowladda Sweden ayaa iscasishay kadib markii la qabtay iyadoo gaari wada oo khamri cabsan.

Sweden ayaa ka mid ah dalal Yurub ka tirsan ee xadiday khamriga ay isticmaalaan darawalada, sababo la xiriira iyadoo laga baqayo iney shilal galaan.

Hadzialic oo 29 jir ah waa wasiirka waxbarashada sare ee ee dowladda dalkaasi, waxayna aheyd wasiirkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo xil ka qabta Sweden.

Wasiiradan ayaa iyadoo cabsan gaarina wadata lagu istaajiyay buundada isku xirta dalalka Denmark iyo Sweden.
Mar ay ka hadashay Hadzialic waxay dhacdadani ku tilmaantay khaladkii ugu weynaa ee ay noolasheeda gashay.

“Waxaan cabay laba koob oo khamri ah kadib markii aan tagay baar ku yaalla magaalada Copenhagen, afar saac kadibna waxaan u sii anbabaxay magaalada Malmo ee ku taal koonurta Sweden” ayey tiri Hadzialic oo sheegtay inay u heysatay in jirkeeda uu wakhtigaas ka baxayo khamriga.

Hadzialic, ayaa tagtay dalka Sweden iyada oo jirta Shan sano, waxa ay xilligaa qoyskeeda ka tageen Bosnia-Hercegovina.

Booliska ayaa markii ay baareen khamriga ku jira jirkeeda waxay sheegeen inuu dhan yahay 0.2 oo ah qaabka lagu ogaado khiyaasta khamriga ee jirka qofka, waxa laga yaabaa in lagu xukumo lix bilood oo xabsi ah.