XOGHAYAHA QARAMADA MIDOOBEY BAN KI-MOON OO SOO DHOWEEYAY JADWALKA DOORASHADA SOOMAALIYA

0

Moqdisho (Arabsiyo-News):-  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa soo dhoweeyay jadwalka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016 dhacaya, taasoo ay ku cadahay in doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso 30-ka bisha October ee sanadkan.

banki

Mr Ban ayaa sheegay in geedi socodka doorashada 2016 ay muhiim u tahay safarka dheer ee ay Soomaaliya ku gaareyso dimoqraadiyada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay Guddiga doorashooyinka inay hubiyaan in saddex meelood, hal meel ay kuraasta Baarlamaanka helaan Haweenka, lana xaqiijiyo inay helaan xuquuqdooda.

Waxaa uu uga digay dhamaan dhinacyada siyaasiyiinta tallaaba kasta oo keeni karta dib u dhac, isla markaana waxaa uu ku booriyay in laga wada shaqeeyo geedi socodka hanaanka doorashada ee dalku galayo.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa dhowaan sheegay in doorashada Baarlamaanka ay dhaceyso 24-september illaa 10 October, halka 25 October ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, 30-ka October ayaa dhaceysa doorashada Madaxweynaha.