War Deg Deg ah : Qarax lasoo dhigay albaabka laga galo Xarunta Safaarada Turkiga ee Muqdisho

0

Warar aan ka helnay ilo dhanka amaanka ah ayaa noo xaqiijiyay in goordhaw qarax nuuca Miinada ah lasoo dhigay meel ku dhaw albaabka laga galo xarunta Safaarada Turkiga ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxan ayaa lagu soo qariyay bac waxaana lasoo dhigay afaafka hore ee xarunta Safaarada oo kutaala degmada Cabdicasiis, waxaana durba xogta Miinadaasi helay ciidamada amaanka .

Ciidamada Nabad Sugida iyo booliiska oo gaaray halka Miinada la dhigay ayaa gabi ahaan xiray aagaasi, waxa ayna Ciidamada wadaan howlgal ay halkaasi uga qaadayaan Miinada lasoo dhigay iyada oon wax dhibaato ah geesan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahana u muuqda mid soo yara hagaagaya, waxaana Howlgalo ay sameeyaan Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida suurto galisay in uu soo hagagao amaanka Caasimada.