Arabsiyo {AN}—Waxa maalintii shalay ahayd laga daahfuray degmada Arabsiyo iskuul cusub oo lamagac baxay BADBAADO SECONDARY SCHOOl kaasi oo ay dhamaan bulsha waynta ku dhaqan magaalada arabsiyo ay baahi way u qabtay, xafladii furitaankaasi waxa ka soo qaybgalay Maayarka gobolka Gabiley Maxamed Amin cumar Dheere, Maayarka Degmada Arabsiyo Cabdilaahi cabdi faarax, Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Arabsiyo Marwo Fadxiya Maax Xasan, Xildhibaanada Golaha deegaanka Nimco Bucul iyo sidoo kale waxa ka soo qayb galay Xubniiha xisbiga kulmiye ee uu dhawaan Magacaabay Muuse Biixi Cabdi sida Sahra cabdilaahi sheedaal iyo Nimco Maxamuud Daa’uud iyo Marti sharaf Badan.
Ugu dambayntii Maamulka Badbaado Secondary school Mukhtar Abiib Cumar ayaa Shahaado sharaf gudoonsiyay martidii ka qaybgashay xaflada Furitaanka dugsiga sida Maayarka gobolka Gabiley Maxamed Amin cumar dheere, Badashaabka gobolka Gabiley Xamse maxamed Cabdi iyo Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka gabiley Cabdisamad Sh Cumar qaabil
Badbaado waxa uu Noqon doonaa Mid ay ku badbaadaan dhalinyarada ku nool Degmada Arabsiyo


















