Hargeysa (AN )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha
ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira
xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga iyo wasiirro ka tirsan
xukuumadda Somaliland, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu
wanqalay degmada cusub ee Balli Mataan oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex
maanta, taas oo ka mid ah degmooyin cusub oo dhawaan uu magacaabay
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.
Xafladda oo ka dhacday magaalada Balli Mataan oo sidoo kale ay ka
qaybgaleen guud ahaan madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland,
wasiirro, siyaasiyiin muxaafad iyo mucaaradba isugu jira, salaadiin,
cuqaal, aqoonyahan, waxgarad, haween iyo dhallinyaro fara badan, halkaas
oo loogu fooladeeyey degmada cusub.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md.
Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xafladdaasi, ayaa ka hadlay
degmada Balli Mataan iyo waxyaabaha ay caanka ku tahay, ujeeddada
Somaliland u samaysatay axsaabta, murrashaxa raba inuu hoggaamiyo
Somaliland iyo shirribaadda hortaal. Waxa kaloo uu halkaasi kaga
dhawaaqay qaadhaan uu xisbigu kaga qaybqaatay dhismaha iyo aasaaska
horumarka degmada Balli Mataan oo madasha lacag loogu ururiyey.
Khudbaddii Guddoomiyaha oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan;
Xafladda Wanqasha degmada
“Xafladdan wanshaqa degmada Balli Mataan waanu soo dhawaynaynaa, labada
magaalo ee Balli Mataan iyo Higlada bal abuurta Ilaahay waxa ka yimi
dhakhaatiirta ugu badan, markaa degmo waliba wax bay hiddo u yeelataaye
Balli Mataan waxay hiddo u leedahay dhakhaatiirta, hadday degmo noqotay
waxay inoo soo saari doontaa dhakhaatiir kale oo badan Insha Allaah.
Xafladda oo dad badani isugu yimi oo kaftan badan iyo duur-xul
siyaasadeed ka dhacay, waa madal aad u qurux badan, nin waliba halkan
wax buu ku faanay… horta waxa la yidhi ragga ayaa ugu fiican, yaa ugu
fariidsan, maanta saddexda xisbi yaa ugu fariidsan, halkan yaa ugu
cawaandisan? Kolba waa ninka abtiyaashii dhex jooga.”
Muhiimadda loo samaystay axsaabta siyaasadda
Waxaynu ku jirnaa waa siyaasad, ololihii baana iska socda, xisbiguna
haku tartamo barnaamij, labada walaalaha ahina haddii ay laba xisbi kala
galaan waa waxa aynu xisbiyada u dhisanay, xisbiyadana waxa aynu u
dhisanay waa inaynu qabyaaladda kaga korno oo aynu ummadda midayn
ballaadhan uu kala dhex dhigno bari iyo galbeedba, waa in aanay innaga
noqon xisbiyadu qaar qabiil iyo gobol yar ku eeg ee ay noqdaan qaar
dadka isku xidha. Xisbiga iyo murrashaxuna waa inay la yimaaadaan
barnaamij cad oo waxay qabanayaan ah, ninka murrshaxa ah waan in dalku
yaqaanaa hore muxuu u galay, berrina muxuu qabanayaa. Markaa waxaynu
leenahay xisbiyada waxaynu ku galaynaa barmaamij ah maxaad dalka u
qabanaysaa, maxaad u tartay, awooddaadu maxay tahay?
Sifooyinka laga rabo cidda rabta inay ummadda hoggaamiso
“Qofka umadda hor yimaaddaa muraayaddii umadduu hortaagan yahay, qof
kastoo isa soo sharraxaana in badan oo dhaliil ahna wuu yeelanayaa, in
badan oo ammaan ahna wuu yeelanayaa ee labada waa inuu isku mid u qaataa
oo haddii dhaliisha la sheego aannu guban, haddii sacabka loo tumana
aanu heesin.”
“Hoggaamiyaha waa la shiillayaa, ninka halkan iskeenaa waa inuu
oggolaado dabka in la saaro oo la karkariyo oo umadda inuu u cuntamayo
iyo in kale la eegaa.”
Waxtarka xisbigu kaga qaybgalayo Degmada Balli Mataan
“Halkan KULMIYE wuxuu u fadhiyaa xukuumad iyo xisbi, xukuumadda lagama
rabo inay halkan kaga dhawaaqaan intaas ayaanu bixinaynaa ee waxa laga
doonayaa barnaamijyo waaweyn oo ay degmada ka hirgeliyaan oo adeegyada
aasaasiga ah oo aynu ku dabagalaynaa wasiirrada. KULMIYE, anigu
magaalada Balli Mataan waxaan ugu deeqayaa $10,000 (toban kun oo
dollar).”

Halkan ka daawo khudbadda oo muuqaal ah:
https://www.youtube.com/watch?v=nxVJgFX9cdE