Yaa Bulshada Uga Wakiil Ah Daba-galka Kambaniyada Adeegga Noocan Ee Xasaasiga Ah U Haya, Meedayse Dawladdii Hoose Iyo Tii Dhexe?
Hargeysa (AN)- Xaaladda Fayo-dhawrka Agabka ay Shirkadda Hilibka U Qasha Caasimadda Hargeysa ee Maandeeq isticmaasho ayaa waxa ay dad badan ku abuurtay walaac weyn oo dhinaca caafimaadka ah kadib nadaafad xumada qalabka iyo gaadiidka lagu soo qaado subaxii marka ay shirkaddaasi Hilibka u qaybinayso sariibadaha caasimadda Hargeysa.
Muwaadin toddobaadkan goob joog ku ahaa Sariibadda Suuqa Idaacadda ee Caasimadda Hargeysa, goor subaxnimo ah oo ay shirkaddaasi Hilibka ku rogaysay ayaa waxa uu wargeyska Foore uga warramay xaalad murugo leh oo uu ku arkay fayo dhawrka gaadiidkii siday Hilibka, Kaaryoonayaashii lagu gurayay iyo guud ahaan agabkii Hilibka shirkaddaasi soo qasho iyo weelka lagu siday ee gaadiidkaasi saarnaa oo ahaa gabi ahaanba kuwo aan ku habboonayn sida Muwaadinkaasi noo sheegay in hilib dadku cunayo lagu soo qaado.
Muwaadin Maxamed Xasan oo Wargeyska FOORE u warramay waxa uu sheegay in dadkii goob-joogga u ahaa markii ay gaadiidka shirkadda Hilibka qasha ee Maandeeq Hilibka dejinayeen ay aad ula yaxyaxeen nadaafad xumada iyo walxaha hilibkaasi lagu siday iyo gaadhiga siday oo uu ku tilmaamay kuwo aad u nadaafad hooseeya sidoo kalena hilibka biraha qayb qaybta loogu siday ee gaadhigaasi hilibka saarnaa siday ay ahaayeen sida ay ahaayee muuqaalkooduna ku argagax galinayo marka laga hadlayo dhinaca nadaafadda iyo qashinka mugdiba badan ee walxahaasi biraha ah ka muuqday ee uu hilibku saarnaa.
Muwaadin Maxamed Xasan oo arrinkaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Hilibku waxa uu saarnaa biro qayb qayb u yaalla oo mid kasta hilibku saarnaa. Birahaasi waxa ay ahaayeen kuwo daxal, uskag iyo madaw aad u qaab darani ka muuqdo oo bulshada hilibkaasi isticmaalaysa ku keeni kara xanuuno halis badan. Xataa gaadhiga lagu siday hilibkani waxa uu ahaa mid aad u nadaafad hooseeya oo haddii aad aragto aanay kaa dhaadhici Karin ama aanad rumaysan Karin in umadda gaadiid iyo weel noocan oo kale ah loogu keeno hilibka ay maalintii ka soo iibsadaan sariibadaha. Dadkii goob joogga aanu u wada ahayn arrinkani waxa ay muujiyeen dareen aad u qiiro badan iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah arrinkaasi xukuumadda dhexe wax uga qabato maadaama ay meesha ka baxday dawladdii hoose ee arrimahaasi wax ka qaban lahayd”. Muwaadin Maxamed Xasan oo arrinkaasi ka sii hadlayaa waxa uu yidhi: “Gaadhiga lagu siday, biraha uu saarnaa hilibkaasi, kaaryoonayaaha lagu qaadayay iyo karaantoonta kaaryoomayaashaasi saarnaa dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwo faya-dhawrkoodu aad u liito oo uskag iyo boodh badan leh, qofka arkaana aanu rumaysan karin in sidan uu sidan innagu soo gaadho hilibka aan cunnaa”.
Ma jiro dunida shirkad sida ay doonto iyo wax ay doonto ugu adeegi karta bulshada gaar ahaan shirkadaha adeegan oo kale haya oo inta badan lagu sameeyo ilaalin, kormeer iyo daba gal joogto ah maadaama ay bulshada u hayaan adeeg xasaasi ah oo taabanaya caafimaadkooda iyo noloshooda. Dhinaca kale waxa aan odhan karnaa waxa doorkeedii arrinkan kaga aadanaa gabtay dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay ahayd masuuliyadeeda in ay arrinkaasi u kuur gasho ama wax uga qabato.
Shacabka Somaliland ayaa ah kuwo ayaan daran oo aanay cidina u maqnayn ceelna u qodnayn maadaama xukuumad dhexe iyo mid hoose toona aanay ku baraarugsanayn amma aanay waxba ka qaban Karin arrimaha noocan oo kale ah taasina ay tahay ta keentay in bulshadu maanta u dhammaatay xanuuno aan la aqoon, in badanina safaf ugu jiraan goobaha caafimaadka.
Ma jiro siyaasad cad oo wax ka qabanaysa faya-dhawrka iyo daryeelka goobaha sariibadaha iyo suuqyada khudaarta, caanaha iyo hilibka ah oo ay dawlad dhexe iyo dawlad hoose toona ku shaqayso iyada oo khubarada caafimaadku si weyn uga dayrinayaan faya-dhawrka goobahan xasaasiga ah ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxaana tusaale kali ah kuugu filin nadaafad darrada suuqa Hilibka ee sariibadda Idaacadda Hargeysa iyo goobaha la midka ah.








