Barclays(AN)Xisbiga Midnimada, Nabadda iyo Horumarka Jamhuuriyadda ee KULMIYE, waxa
uu si wayn u soo dhawaynayaa go’aamada qiimaha leh ee ka soo baxay
shirkii Awr-boogays ee ay wadayeesheen xukuumadda Somaliland iyo beelaha
Maxamuud Garaad, Hinjiinle iyo Kaskii Qabe ee kala dega Gobollada Sool,
Sanaag iyo Xaysimo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Go’aamada ka soo baxay shirka ka qaboomay degmada Awr-boogays ee ka
tirsan Gobolka Sanaag (19 ilaa 20 July 2016) oo ay kala saxeexdeen
Wasiirrada xukuumadda ee Madaxweynaha Somaliland u igmaday iyo
oday-dhaqameedyada beelahaasi, waxa nuxurkiisu ku qotomaa xoojinta
midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dadka iyo dalka Jamhuuriyadda
Somaliland, wax-wada lahaanshaha iyo ka wadashaqaynta horumarka
ummaddiisa.
Xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu waxa uu u arkaa natiijada shirka
Awr-boogays mid muhiimad wayn u leh Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland
oo kaalin mug leh ka qaadanaya taabbogelinta midnimada iyo
wax-wadalahaanshaheeda guud ahaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaasi darteedna, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo ay caado u tahay
ka midho-dhalinta wax kastoo dan u ah dalka iyo dadkiisaba waxa ka go’an
in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska lagu gaadhay shirka Awr-boogays.
Wadahadalka, is-qancinta iyo isu-tanaasulku waa wax caado u ah
Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku soo caano-maashay muddada 25 sanno ah
ee ay ahayd qaran madaxbannaan, isla markaana ay ku soo gaadhay heerka
ay marayso maanta ee ah nabadgalyada, xasilloonida, horumarka iyo
dawladnimada ku salaysan nidaamka dimuqraadiga ah, waxaanay KULMIYE iyo
xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin oo ay soo dhawaynayaan in
wadaxaajood iyo is-faham lagu qanciyo cid kastoo wax tabanaysa gudaha
dalkeenna, wixii aan ka horimanayn Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Siciid Yuusuf
_________________________________
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE








