Arabsiyo News—-Wikileaks oo ah Shabakad ku caan baxday faafinta xogaha sirta Dowladaha Caalamka ayaa shalay baahisay in ka badan 200 kun oo Email iyo qoraalo kale oo laga jabsaday Ciwaanada Emailada ay isticmaalaan xubnaha sare ee ku jira xisbiga talada Turkiga haya ee AK.
Shabakadan xogta ay baahisay ayaa waxaa ku jira Emailadii ay isticmaali jireen Madaxdii xisbiga AK uu hogaaminayo Madaxweyne Erdogan laga soo bilaabo sanadkii 2010-kii ilaa laga so gaaro bilowga bishan July .
Baahinta Xogta Emailadn la xaday oo gaaraya 294,546, ayaa kusoo aadeysa xili dalka Turkiga xaalad siyaasadeed uu ku jiro uuna ka dhacay maalmo kahor afgembi fashilmay ay sameeyeen ciidamo katirsan Milatariga dalkaasi.
Xogtan ay baahisay Shabakada Wikileaks ayaa ah mid inta badan laga soo xaday xubno badan oo katirsan xisbiga AK Party, xogtan la xaday lana baahiyay ayaana ah mid wax ka iftiimineysa sirta Xisbiga talada Dalka Turkuga haya ee AK.
Shabakada Wikileaks,xogtan ay baahisay kuma jiraan qoraalo sir ah oo la xariira Afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga iyo Talaabada ay ka qaadeyso Dowlada Turkiga xubnihii ku lugta lahaa Afgembigii fashilmay.
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com
Source: Allbanaadir








