Laascanood (Arabsiyo-News):- War deg deg oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada wararka ee Ilaysnews.com waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu soo ka dhex qarax ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Dagaalka oo hada ka socda deeganka Booda oo dhinca Ceerigaabo magaalada Badhan ka soo xiga 30 KM ayaa waxaa ay wararku sheegan in ay dagaalka ay Soo qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Putland.
Wali ma cada khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi balse warar Ilaysnews.com helayso ayaa sheegaya in ciidamada qaranka Somaliland ay iska caabiyeen dagaalkaas gaadmada ah ee Maamulka Putland ku soo qaadey isla markaana Guutooyin badan oo ciidamada qaranka Somliland ahi ay halkaasi ku sii jeedaan.
Sidoo kale warar ay shabakada Ilaysnews.com helayso ayaa waxaa ay sheegayaan in sanaaduuqdii diiwaangalinta laga soo Celiyey magaalada Badhan oo aanay hada xaladeedu deganeen
Maamulka Puntland ayaa waxaa uu diidan yahay in diwaangalinta cod bixiyaasha laga hir galiyo deegano ka tirsan Xadka Somaliland gaar ahaan gobalka Sanaag oo ay sheeganayaan in ay ka tirsan yahiin dhulka Putland .
Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada aan ka hadal dagaalkan balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadasho
wixii warar soo kordha kala soco shabakada Arabsiyonews.com








