MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO DALACSIIYAY SARAAKIIL CIIDAN

0

Moqdisho (Arabsiyo-News):-  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud, Wasiirka Amniga Qaranka ,Taliyaha Ciidanka booliiska  ayaa maanta ka qeyb galay  Munaasabad lagu qabatay Dugsiga Janaral kaahiye oo tabar loogu soo xirayay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska soomaaliyeed kuwaa soo mudo tabar ugu socday Dugsiga tababarada ciidamada booliska sooomaaliyeed ee janaraal kaahiye

boolis

Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed G/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in saraakiishaan cusub ay qeyb ka  yihiin dib u habbeyn guud  oo ku socota ciidammada Booliska Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan.

boolis1

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa tilmaamey in dedaal xoog leh uu sameeyey taliska ciidanka oo kaashanaya wasaaradda Amniga laguna guuleystay in si dhab ah loo fuliyo go’aankii madaxweynaha ee dib u habeynta ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

boolis4

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay taliyaha ciidammada Booliska dedaalka uu sameeyey,waxa una u hambalyeeyey saraakiisha cusub ee nooqtay Jaamiciyiintii ugu horreysay ee Taariikhda ka soo baxa dugsiga Jeneraalk Kaahiye.

boolis3

“Waxaan taliyaha ciidanka booliiska soomaaliyeed ku amaanayaa dadaalka uu sameeyay tan iyo xiligii loo magacaabay xilkan ,saraakisha tababarka u dhamaday waxay noqonayaan jaamiciyiintii ugu horeysay ee ka qalan jibiya Taariikha Dugsiga J.kaahiye, dowladu waxaa ka go’an sidii ay u dhisi laheed Tayada ciidanka soomaaliyeed iyo qalabkii uu ku howgali lahaa”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya

boolis6

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kula dardaarmay saraakiisha Akedeemiyadda Jeneraal Kaahiye ka qalin-jabisay in sida kaliya ah ay ku guuleysan karaan in ay tahay  marka ay saaxiib dhab ah ka dhigtaan shacabka Soomaaliyeed.

boolis5

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa gacantiisa ugu xiray darajo laba Xiddig ah saraakiisha Qalin-jabisay, isagoo  sidoo kale dalacsiiyey saraakiil  ka tirsan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed,waxaa uuna  abaalmarinno uu diyaariyey taliyaha ciidanka Booliska soomaaliyeed  guddoonsiiyey saraakiisha cusub ah ee ku soo biiray Booliska Soomaaliyeed.

boolis7boolis8boolis9