DACWAD U DHEXAYSA MASUULIYIINTA WASAARADDA DUULISTA IYO GUDDOOMIYAHA SHABAKADDA HANGOOLNEWS OO AY MAXKAMADDA GOBOLKU MUDDAYSAY DHEGAYSIGEEDDA.

0

Hargeysa (Arabsiyo-News):-  Maxkamadda Gobolka M/Jeex,ayaa muddaysay dhegaysigga Dacwad u dhexaysa Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawadda iyo Tifaftiraha Shabakadda Wararka ee HANGOOLNEWS.COM,taas muddooyinkii u danbeeyay ay Xeer-ilaalintu Gacanta ku haysay Kiiska.

han

Warqadda Cayimaadda Mudada dhegaysigga Dacwadda oo soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Wararka ee Ilaysnews.com ayaa lagu sheegay inay Dacwaddu Bilaamayso maalinta Axadda ah ee tododobaadka soo socda  oo ay taarikhduna tahay 17-07-2016-Ka.

Warqadda amarka Yeedhmadda ee Gudoomiyaha Shabakadda Wararka ee HANGOOLNEWS.COM Ibraahim Cismaan Axmed,ayaa waxa ku saxeexan Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargaysa,Garsoore,Khaalid Cabdi Shiil.