TOPNEWS-Dawladda Denmark Oo Soo Saartay Warbixin Ay Kaga Hadlayso Barnaamij Ay Saddexda Sanno ee soo socda Xoolaha Somalida Ku Tayeynayso, Horumarinta Xoolaha Somaliland Warbixinta Lagu Qaada dhigay

0

“Waa Inay Somaliland Gacan Ka Geysataa Nidaamka Shahaado, Siyaasadda Iyo Heerka Dhoofinta Tayadda Xoolaha Iyo Sido Kale Nidaamka Dhismaha Kaabayaasha La Xidhiidha Xoolaha” Dawladda Denmark

Dawladda Denmark, ayaa Warbixin ay soo saartay kaga hadashay Barnaamij ay ku maalgelinayso guud ahaan tayeynta iyo horumarinta Xoolaha Somaliland iyo Somalia, waxaana Barnaamijkani uu ka koobnaan doona dhawr qaybood oo ay ka mid tahay in la helo Aqoon dhinaca dhakhaatiirta Xoolaha iyo Xoojinta Caafimaadka Xoolaha iyo Wax soo saarkooda sida Suba, Caana iyo Haraga Xoolaha ee la dhoofiyo in Suuqyo ku filan loo helo.

Wasaaradda Arimaha Dibadda dalka Denmark, ayaa Warbixin ay soo saartay  todobaadkan, waxa lagu daabacay, Barnaamijka ay Ciwaanka ugu dhigtay (Bixinta Barnaamijka Maalgelinta Xirafaddaha Waxbarashadda iyo Aqoonta ee  Xoolaha guud ahaan Somalida ee 2016/2018), waxaana  qaybo badan oo muhiim ah lagaga hadlay Xoolaha kala duwan ee Somaliland iyo dugsiga Culuunta Caafimaadka Xoolaha lagu barto ee Sheekh Sheikh Technical Veterinary School iyo meelo kale oo badan oo qaarkood ay Xolaha Somaliland Mashaariicda ka Maalgeliso dawladda Danishku, iyada oo sido kale warbixinta fariin talooyin ah loogu soo jeediyey Xukuumadda Somaliland inay kobcin iyo horumarinta dhinaca Waaxda wax soo saarka Xoolahooda ku saabsan hirgeliyaan.

Warbixinta uu soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Danesh-ku lagagana hadlay Horumarinta Xoolaha Somaliland iyo Somalida kale waxay u dhigneyd sidan.

Ujeedo:

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Denmark, oo kaashanaysa Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenyo, waxay idinku soo gudbinaysa baaqeeda codsiga ah, kaas oo ah mid la xidhiidha helitaanka iyo Bixinta barnaamij curdin ah adeegyadda Maalgelinta ee tayeynta Aqoonta Xoolaha iyo Xirfadda Aqoontooda oo barnaamijyo  toos ah oo ay Somalida siinayso dawladda Denishku sannaddaha 2015-ka ilaa 2018-ka.

Barnaamijkan tooska ah, waxa loogu deeqay oo lagu maalgelinayaa horumarinta Xoolaha ee Waaxda Xoolaha Somalida kala duwan, iyada oo ugu horeyn laga bilaabayo Barnaamijkan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka Butland, waxaana marka hore lagu horumarinayaa Beeralayda iyada oo la isticimaalayo  aqoonta laga helaayo Cilmi baadhis lagu sameeyey  Xoolo dhaqatadda Somalida oo dhanka go’aan qaadashadda ku saleysan, iyo qodobka 2aad ee Barnaamijkan oo ah in lagu xidho dhinaca dawliga ama Waaxda gaarka loo leeyahay si loo horumariyo wax soo saarka Xoolaha, Suuqgeyntooda iyo Ilaalintoodaba.

Hadii aynu si gaar ah, u jeedada Barnaamijkan laga leeyahay waxa weeye in lagu taageero Shuruucda uga yaala Somalida , horumarinta iyo sugnaashaha nidaamka horumarinta iyo maamulitaanka ee Xoolahooda, dhismaha awooda aqoonta Xoolaha iyo horumarinta Xuquuqda Xoolaha ee Suuqyadda iyo macluumaadka la xidhiidha, iyada oo taa lagu xidhaayo in kaaniyaadkii caadiga ahaa ee dawladnimadu horumarinta Xoolaha ugu talo gashay.

Waxaana jirta inay horeba dalka Denmark u taageeri jiray Waaxda Xoolaha ee Hawlgalayaasha  Somalida ee hada jira oo ay maalgelintiisa Danish-ku fuliso  oo u sii maraysa hay’addaha iyo ururadda horumarinta ee wakhtigan Denmark wada shaqeynta leeyihiin, waxaana guusha la wada jecel yahay in laga gaadho  arintan wali tartanka ku jirta waxay dhisi doonta koboca shaqo kasta oo la gaadhi doono.

 

 

>-Macnaha laga leeyahay in Hawlgalinta Barnaamijkan in laga gaadho hirgelintiisa, waxa u jeedooyinka Hadafyaddan soo socda?

  1. In lagu taageero Waaxda soo saarka Xoolaha oo ah ka darawaliya guud ahaan Dhaqaalaha Muxaliga, Gobol iyo Qaran ahaanba (Bulshooyinka Somaliland iyo Somalia) ku nool, Xooluhuna waa laf dhabarta ugu muhiimsan ee Shaqadda iyo Dakhliga Qoyska.
  1. Sidda Balaadhinta Qiimaha, Dakhliga iyo Shaqo ee Waaxda Xoolaha.
  2. Dawladaha iyo beelaha ayaa ka codsaday taageero dheeraad ah oo xaga hawlaha xoolaha-diirada. Lagu saarayo wax ka qabashada baahida, kuwaas oo ka qaybqaadan doontaa yareeynta saboolnimada iyo koboca joogtaysan.
  1. Kobcinta  Tayadda ee Dawliga ah iyo Shirkaddaha Saamilayda aan dawliga aheyn in laga taageero Waaxda Aqoonta, Siyaasadda,  iyo  hirgelinta heerarka (Nadaafadda Xoolaha iyo wixii la mid ah) iyo arimaha Sharciga, guusha lagu wada qanci karana waxa la rajaynayaa in la gaadho sida ay Calaamaddaha muuqda ee ka soo baxaya horumarku ina tusayaan kuwaas oo ah kuwo si xoogan inoo dhiirigelinaaya.
  1. In la horumariyo Awooda iyo tayadda Ardayda Dugsiga Barashadda  Aqoonta Xoolaha ee Sheikh  Technical Veterinary School ee ay gacanta ku hayso urur Goboleedka IGAD.
  1. In si qoto dheer oo Aqoon iyo Ficilba ku jirto  layskaga kaashaddo dhanka Isguuladda, la sameeyo Cilmi baadhisyo ku saabsan dhanka Isbedelka Cimiladda (Dhulalka Somaliland iyo Somalia) iyo saameynteeda dhinacyadda Xoolaha ee Beeraha, Midhaha iyo wax soo saarka dhulka iyo Khayraadka dabiiciga ah, maamulidda khayraadka dahsoon iyo waxyaabaha manfaca leh.
  1. La shaqaynta Isguuladda dhanka horumarka qorshayaasha dhex dhexaad iyo Ganacsiga mudada dheer ah iyo inay Dugsiyadda Waxbarashaddu u guuraan isku filaansho weyn oo dhaqaale.
  1. In tixgelin la siiyo  wanaajin dhameystiran oo lagu taageeraayo tayeynta Qiimaha Xoolaha ee dhoofintooda inta waxa dheer si fursado fiican loogu helo Qiimaha Xoolaha, waxa inta soo raacda in in la tayeeyo Wershaddaha Wax soo saarka Xoolaha ee dhinacyadda Caanaha, Noocyadda  Subaga Xoolaha (Somaliland iyo Somalia), Haraga Xoolaha iyo wixii la mid ah.
  1. In la raadiyo Mashaariic kale oo awood leh kuwaas oo deeq looga raadinaayo Waaxda Horumarinta Xoolaha guud ahaan Somalidu dhaqato.
  1. Inay Somaliddu (Somaliland iyo Somalia) ka faa’iideeyaan oo la qabsadaan oo Balaadhiyaan nidaamka derejooyinka Xoolaha (Noocyadda kala duwan ee Xooluhu ka kooban yihiin) iyo xogta Suuqa dhabta ah in la soo saaro, gaar ahaan waa inay Somaliland gacan ka geysataa 1) Nidaamka Shahaado, Siyaasadda iyo heerka dhoofinta Tayadda Xoolaha iyo sido kale nidaamka dhismaha Kaabayaasha la xidhiidha Xoolaha, 2) waa inay (Somaliland) dhista Xoojinta  Awooda Hay’addaha waaxda Xoolaha ah sida (Wasaaradda Xannaadda Xoolaha, Rugta Ganacsiga, Guddida Kormeerka Tayadda, ISTVS iyo Hay’addo kale ee Tayadda Xoolaha la xidhiidha.

Cabdiweli Cali Ismaaciil Staff  Wargeyska Saxansaxo