Xog:- Xukuumada Somaliya Oo La Filaayo In Ay Xill U Magacowdo Madaxii Hore Ee Laanta Afka Somaliga Ee BBC da Cabdiraxmaan Koronto.

0

Moqdisho (Arabsiyo-News):- Dawlada federaalka  ah ee Somaliya ayaa waxaa la filayaa in ay dhawaan si rasmi ah ay xill  ugu magacowdo madaxii hore ee laanta afka Somaliga ee BBC da Cabdiraxmaan Koronto oo dhawaan  ka fadhiistey shaqadii BBC da .

Xasan iyo koronto

Cabdiraxmaan Koronto ayaa  muddo todobaad ah  ku suganaa xarunta looga  looga arimo dalka Somaliya ee magaalada Moqdisho waxana xogo aanu  helaynaa ay sheegayaan in uu masuulkani kulmo la qaatey saraakiil ka trsan dawalda Somaliya iyo siyaasiyiin ay isku reer ama beel yahiin

Wali si rasmi ah uma cada xilka ay dawlada Somaliya la filaayo in ay u magacowdo Cabdiraxmaan Koronto balse xogo lagu kalsoon yahay oo shabakada wararka ee Ilaysnews.com helayso ayaa waxaa ay tibaxayaan in xil sare looga magacaabi doono wasaarada warfaafinta dalkaasi Somaliya.