Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihiyihii ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolka Badhan Caydiid axmed Nuur.
Taliye Caydiid Axmed Nuur oo muddo dheer soo ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ee Bariga Sanaag, ayaa la sheegay in todobaadkan gudihiisa xilkii laga qaaday oo loo magacaabay bariga sanaag taliye boolis oo cusub.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka Taliska Ciidanka Booliska oo ku saabsan bedelka taliyihii booliska badhan, balse dadka deegaankaaasi, ayaa shebekedda somalilandrise.com u sheegay in la bedelay taliyahaasi oo loo magacaabay xilkaasi Axmed Siciid Maxamed oo dhowaan ka yimid dhinaca Maamulka Puntland, kaas oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Hargeysa.
Taliyaha Cusub ee gobolka Badhan u qaabilsanaan doona ciidanka booliska Somaliland, ayaa la sheegay in la guddoonsiiyey Laba gaadhi oo ay ciidankiisu ku hawl geli doonaan, isla markaana dhowaan uu tegi doono deegaanka bariga sanaag.
Arabsiyo.net
Hargaysa Office








