Germany Oo Ugu Danbayn Dhinac Iskaga Dhigtay Italy, Xulka Qaranka Koobka Aduunka Haysta Ee Germany Oo U Soo Baxay Afar Dhamaadka Euor 2016, Xili Xulka Qaranka Italy Rekoodhayaal Lagu Reebay

0

Xulka qaranka Germany ayaa inkaartii ka haysatay Talyaaniga ka soo gudbay waxayna u soo baxeen afar dhamaadka Euro 2016 kadib markii ay rekoodhayaal 6:5 ah ay ku garaaceen xulka qaranka Antonio Conte. Kulan laysla daalay oo 120 daqiiqo lagu kala bixi waayay ayaa sidoo kale waqti badan qaatay in rekoodhayaasha lagu kala baxo.Jonas Hector ayaa Germany udhaliyay rekoodhaha ay guusha ku gaadheen ee ay ugu soo baxeen afar dhamaadka.

Germany

Kulanka ugu adkaa sideed dhaamaadka tartanka qaramada Yurub ayaa dhex maray xulalka qaramada Yurub ugu awooda badan ee Germany iyo Itlay. Xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany ayaa shantii tartan ee ugu waa waynaa ee ay ka soo qayb galeen waxay soo wada gaadheen ugu yaraan afar dhamaadka waxayna kala ahaayeen koobabkii aduunka ee 2006,2010 iyo 2014 kii ay Brazil ku qaadeen waxayna sidoo kale afar dhamaadka soo gaadheen Euro 2018 iyo Euro 2012.

Laakiin Germany ayaa maanka ku haysay rekoodh aadka u xun ee ka haystay Italy oo sanadkii 2012 kii afar dhamaadkii Euro 2012 kii ka ku reeebtay waxayna doonayeen in ay kulankan ka aarsadaan xulka qaranka Talyaaniga oo tartanka Euro 2016 wacdaro cajiib ah ku soo badhigay