TOPNEWS- Itooobiya Oo Xaal Ka Bixisay Calankii Somaliland Ee Ciidankoodu Ku Jeex Jeexeen Deegaanka Ballidhiig.
Shir sadexdii maalmood ee u dambeeyey deegaanka ballidhiig ee gobolka Togdheer oo uu maro xadka Somaliland iyo Itoobiya uga socday madaxdhaqameed, Odayaal ka soo jeeda Somaliland iyo Saraakiil ka socotay dawladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo ismaamulka Somalida Itoobiya, ayaa lagu soo geba gabeeyey halkaasi.
Shirkan oo ujeedadiisa lagu sheegay in ay labada dhinac kaga wada hadlayeen arrimaha nabad gelyada iyo ciidanka Itoobiya oo dhowaan deegaankaasila sheegay in ay ku jeex jeexeen calanka Somaliland, arrintaas oo la sheegay in ay xaal ka bixiyeen itoobiyaanku.
Suldaan siciid aadan Xirsi (Cigale) oo laga waraystay shirkan iyo waxyaabihii ka soo baxay, ayaa waxa uu hadalokiisa ku bilaabay “Shirkaasi muddo sadex cisho ah ayuu socday wxaana ka qayb galay saraakiil ka sotay dawladda dhexe ee Itoobiya iyo ismaamulka Kllilka shanaad ee Itoobiya, waxaana loogu wada hadlay si weyn, waxa laga wada hadlayey nabad gelyada iyo sidii mandaqadda loogu wada noolaan lahaa, sidii loo ilaalin lahaa ciddii cadaw ah ee ina dhex maraysa, waxaana la isla qaatay in nabad gelyada la ilaashado, ciddii nabad gelyadaas xumaynaysana gacan bir ah lagu qabto, taas ayaa ugu weynayd oo ajanduhuna uu ahaa, si wanaagsan ayaanu isku afgaranayn oo aanu isku gacan qaadnay”
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waanu ka wada hadalnay ciidanka soo galay balli dhiig ee calanka Somaliland ku jeex jeexay siweynna waanu uga wada hadalnay arrintaasi, wixii aanu tabanaynay waanu u sheegnay oo waanu u bal ballaadhinay, calankaasna garawshiiyo ayey ka bixiyeen xaalna way ka bixiyeen arrintaas, waxaanay yidhaahdeen haddii ay hore u dhacday dib u dhici mayso taasi”








