Hargaysa {AN}–Maraykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa inay u safraan dalka Kenya oo uu sheegay in ka dhici karaan weeraro argagixiso oo lala beegsado.
Hay’adaha Sirdoonka ee Maraykanka ayaa ka digay suurtagal-nimada Gantaalo dhulka laga rido dhulka oo lala beegsado diyaaradaha.
Maamulka dayaaradaha ee Maraykanka ee loo yaqaan FAA ayaa howlwadeenada duulimaadyada Kenya uga digay inay jirto cabsi weeraro lagu qaado danaha Maraykanka iyo reer Galbeedka.
Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinta dalkaas ka jooga inay iska ilaaliyaan booqashada gobolka Lamu, Xaafadda Eastleigh iyo degmooyinka gobolka Waqooyi bari.
Safaarada Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa muwaadiniinta Maraykanka kula talisay inay booqan karaan magaalada Mombasa xilliga maalintii ah oo kaliya, ayna iska ilaaliyaan isticmaalka doonta looga gudbo gacanka badda ee magaalada Mombsa, sababo xagga ammaanka ah.
Gudaha wadanka Kenya waxaa jooga boqolaal muwaadiniin Maraykan ah oo isugu jira shaqaalaha safaaradooda halkaas ku taala, shaqaalaha heyadaha gargaarka iyo dalxiiseyaal, waxaana had iyo jeer lagula taliya iney dhaqdhaqaaqooda xakameeyaan aysana tegin goobaha la isugu yimaado.








