Hargaysa {AN}—Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukale oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda gobolada darafyada Somaliland gaar ahaana Sool iyo Awdal ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan Kulankii Fur ah oo bar bilow u ah xal u helida saami qaybsiga,kuraasta golaha wakiilada.
“waxana uu ahaa kulan aha sidee ayaynu wax u nidhaahnaa iyo halkee wax ka bilownaa,waxaana run ah in arinkani saami qaybsigu waxuu soo taagnaa ilaa lixdankii ilaa hadda xal muuqda laga gaadin cid gaar ahina xal kaam gaadhi karto go’aana kama soo saari karto waaa arin culayskiisa wata markaas in laga wada tashado oo la iska arko oo ay la kulanto ciday khusayso waaa arin loo baahan yahay”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo isna arinkanu ka hadlaya aya yidhi. ” In la gudo gal hawsha saami qaybsiga waa la dhayalsaday waana la yaraystay may ahayn in iminkuun lagu baraarugo ee waxay ahayd in mar horeba wx laga qabto oo si toos ah loo gudo galo,iminka madaxwaynuhu waxa uu awoodaa inuu isagu si toos ah u yidhaahdo goboladaas waxaan ugu darayaa intaas,goboladaasma waxaa ka jaray intaas kadibna uu si toos ah u ogaysiiyo axsaabta.Waxaan hubaan in aanay cidna ku diidayn balse dhayalsi aad ufara badan iyo xilkasnimo inay jirto ayaad moodaa,ta kale doorashadii ugu danbaysay ee golaha wakiilada waxay maxkamadu soosaartay go’aan ah in doorashadan lagu galo bila diiwaangalin,doorashadda soo socotana diiwaangalin markaas diiwaangaliintii hadda way socotaa marakaas anigu waxaan qabaa in labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada aan lakala qaadin mudadaas hadhayna hadii laysku dayo in wax laga qabto saami qaybsiga waa lagag qaban karaa”
Dhinaca kale labadan xildhibaan waxay baaq nabadeed u direen beelaha walaalaha ah ee oodwadaagta ah ee kudagaalamaya deegaanka dharkayn-geenyo ee gobolka sool,waxaanay ugu baaqeen inay dagaalka joojiyan oo ay arinka nabad kusoo dabaalaan.








