Hargeysa (AN )- Fadeexad cusub oo dublamaasiyadeed, ayaa kasoo if-baxday Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna horjoogaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kadib markii uu si cad ugu gefay maalinta xorriyadda ee dalka Djibouti.
Dawladda Djibouti iyo shacabkeeda, ayaa toddobaadkan u dabbaaldagay sannad-guuradii 39-aad ee xornimada maalintii dalkaasi ka qaatay xorriyadiisa gumaystihii Faransiiska oo ku beegnayd 27-kii bishii June ee sanadkii 1977-kii, iyadoo hoggaamiyayaasha axsaabta siyaasadda Somaliland hambalyo xuskaas la xidhiidha u direen reer Djibouti.
Haseyeeshee, dhambaal hambalyo ah oo Guddoomiyaha Waddani Md. Cirro kaga qaybgalay xuska sanad-guurada 30-aad ee maalinta xorriyada Djibouti, ayaa noqotay mid huwan fadeexad diblomaasiyadeed oo gebi ahaanba baalmarsan macnaha maalinta xornimada Djibouti, isaga oo si aqoondarro ka muuqato ugu gefay tirada sanad-guurada iyo waliba xilliga rasmiga ah ee uu dalka Djibouti xorriyadiisa ka qaatay Faransiiska.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta xsibiga WADDANI oo lagu faafiyey hambalyeynta Guddoomiye Cirro ee dalka Djibouti, ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu xorriyadiisa qaatay sannadkii 1960-kii, halka taariikhda saxda ahi tahay 1977-kii oo ay kasoo wareegtay muddo 39 sanno ahi, taas oo WADDANI ku sheegay 37 sanno-guuro
“Guddoomiyaha WADDANI waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka Dalka jamhuuriyadda Djibouti, isagoo ugu hambalyeynaya sanad-guurada 37-aad ee kasoo wareegtay maalintii xornimada ee ay ka qaateen gumaystihii faransiiska 27-kii June, 1960-kii,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka hambalyeynta ah ee uu Guddoomiye Cirro u diray dalka Djibouti.
Qoraalkani waxa uu fadeexad ma guurto ah ku ah dublamaasiyadda iyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee ummadduhu isku weydaarsadaan munaasibadaha noocan oo kale ah, waxaanay markhaati ka tahay sida uu xisbiga WADDANI iyo hoggaankiisu uga arradan yahay taariikhaha dawladaha deriska ah oo dhaawac siyaasadeed oo culus ku keenaysa.
Halkan hoose ka Akhri Warsaxafadeedka
Arabsiyo.net
Arabsiyonews@gmail.com









