Maxaad kala socotaa tirada hotelada Muqdisho ee lagu galay qaraxyada iyo weerarada tooska ah..?!

0

Muqdisho{Arabsiyo–News}–Xoogaga Al-Shabaab ee dagaalada kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa taageeraya ee AMISOM ayaa sanadahan dambe weeraro soo laalaabtay oo loo maaro waayey waxay la beegsanayeen hotelada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Hoteladan oo ah kuwo si aad ah loo ilaaliyo ayaa waxaa dadka shacabka ah ka sokow degan xildhibaano, wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Somalia, sidoo kale qaarkood waxaa xarumo ay u yihiin shirkado, heyaddo iyo safaarado ajnabi ah, waana arrimahan kuwa keenay in hoteladan ay bartilmaameed u noqdaan Al-Shabaab.

Saraakiisha Al-shabaab waxay dhowr jeer milkiilayaasha hotelada uga digeen iney iska fogeeyaan madaxda dowlada haddii ay sidaas yeeli waayaana waxay ugu hanjabeen iney weerari doonaan.

Milkiilayaasha hotelada ayaan amarkaas dheg jalaq u siin, iyagoo fiirsanaya danahooda ganacsi, waxay hanjabaadaas bedelkeed ku dhaqaaqeen iney xoojiyaan amaanka hotelada ayna ku wareejiyaan difaacyo, taasoo keentay in hotelada qaarkood ay u ekaadaan sidii xeryo milateri, bilicdoodiina meesha ka baxdo.

Balse Al-Shabaab oo looga bartay iney la soo baxaan xeelado cusub ayaa difaacyada la dhigay hotellada qaarkood aaney ka joojin iney weeraro geystaan.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa horey u weeraray gudahana u galay xarumo aad loo ilaaliyo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida xarunta madaxtooyada iyo xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ciidamada AMISOM, sidaas darted dad badan waxay aaminsan yihiin ineysan biyo u kabaneyn gelitaanka hotelo iwm.

Hotelka Muna oo ku dhow Madaxtooyada ayaa noqday hotelkii ugu horeeyey ee Al-shabaab ay weeraraan waxaana weerarkaas oo dhacay 24-kii bisha Agoosto sanadkii 2010 lagu dilay 30 ruux oo lix ka mid ah ay ka tirsanaayeen xildhibaanada baarlamankii KMG ahaa ee dowladii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore Shiikh Shariif.

Tan iyo wixii xiligaas ka dambeeyey waxaa joogto noqday weerarada lagu bilaabo qaraxyada baabuurta ka dibna dagaalyahano hubeysan ay ku galaan hotelada, waxaana tan iyo xiligaas la weeraray hotelo badan oo ay ka mid yihiin, Jasiira, Maka Al-Mukarama, Central, Saxafi, Weheliye, Ambasador, Siyaad, SYL iyo Naasa hablood oo ugu dambeeyey iyo qaar kale.

Hotelada qaarkood Al-shabaab waxay weerareen min labo jeer iyo ka badan, waxaana ka mid ah Maka Al-Mukarama, Jasiira iyo Weheliye, iyadoo weeraradan lagu laayey dad badan oo shacab, askar iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia, iyagoo sidoo kale burbur hantiyeed geystay.

Inkastoo laamaha amaanka dowlada Somalia ay muujiyeen dedaal badan si looga hortago weerarada noocan ah, wax badana qabteen, haddana weli kuma guuleysan iney u maaro helaan weerarada Al-shabaab ay soo qaado taasoo keentay iney mar kasta soo laalaabtaan.

breaking_news1