Jabuuti (Arabsiyo-News):- Waxaa maalmihii u danbeeyey aad loo hadal hayey maalgalin lagu sameyn doono dekada Magaalada Berbera taas oo ay xukuumadu heshiis la soo saxiixatey shirkada Dp World .
War bixino ay qoreen warbaahinta caalamku ayaa waxaa ay sheegayeen in mashquulka faraha badan ee dekada Magaalada Jabuuti ay hoos u dhac u keeno karto hadii maalgalin iyo balaadhin lagu sameeyo dekada Berbera isla markaana ay dawlada jabuuti aanay farxad galin maalgalinta dekada Berbera

Balse arintaasi waxaa si faahfaahsan uga hadley mid ka mid ah masuulyiinta dalka Jabuuti waxaana uu markii ugu horeysay uu sheegay in dawlada Jabuuti ay si weyn u soo dhaweynayso maalgashi kasta oo lagu sameeyo dekada Berbera .
Masuulkan oo lagu magacaabo Abubar Cumar isla markaana ah gudoomiyaha dekada iyo dhulka cashuuraha ka caagan ee Free Zone ka ayaa waxaa uu tilmaamay in geeska Africa u baahan yahay dekado badan isla markaana ay soo dhaweynayaan maalgalinta dekada Berbera oo Fursad u heli doonta in ay la wadaagto fursaha ganacsi ee geeska Africa
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan








