Gabiley(AN)Wararka naga soo gaadhaya magaalada gabiley ee xarunta gobolka gabiley ayaa sheegaya in mudaharaad xoogani hadda ka socdo magaalada gabiley.
Waxaana mudaharaadkan ay sameeyeeen bulshadu uu yahay mid ay kaga soo horjeedaan xadhiga ay masuuliyiinta dawlad deegaanka somalida itoobiya kula kaceen wariye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo ah wariyihii uga soo warami jiray HCTV magaalada gabiley .
Waxaana wariyahan ay ciidamada new policeku ka kaxaysteen degmada tog wajaale oo ah xuduudka Somaliland iyo itobiya.
Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahin Ayaan ilaa hadda la garanayn halka ay geyeen ciidamada new policeku, balse warar hoose oo aan helayno ayaa sheegay in loo kaxeeyey dhankaa iyo magaalada jigjiga ee xarunta ismaamulka kilidhka shanaad.
Dadwaynahan mudaharaadayay ayaa waxay xukumadda Somaliland ugu baaqeen inay talaabo cad ka qaadana xadhiga ay dawlada kilidhka shanaad u gaystaya wariyaha reer Somaliland ee Mukhtaar Nuux Ibraahin
Arabsiyonews.net
Hargaysa Office








