Arabsiyo News—Wararka ka imanaya magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe e dalka Somaliya ayaa sheegayaan in taliyihii ciidamada Nabadsugida gobolka Sh/dhexe Cabdweli Ibraahin Maxamed goor dhow lagu diley xarunta nabadsugida magaalada Jowhar.
bre
Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu diley mid ka mid ah ciidamada nabadsugida iyadoo aan la sheegin sababta dhabta ah ee loo diley taliyaha.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in sidoo kale saddex ka mid ah ciidamada nabadsugida ay ku dhaawacmeen
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la sheegay in askarigii diley uu baxsaday la baadigoobayo, halka wararka qaarna ay sheegayaan in la qabtay ninkii ka dambeeyay dilka taliyaha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe ee la xidhiidha dilka taliyihii ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe Cabdweli Ibraahim.








