Hawlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-du ka sameeyeen xaafada boqol iyo kontonka (150) ee magaalada hargeysa ayay waxay kusoo qab qabteen saddex qof oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta somaliya.
Ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka maanka oo la xidhiidha hawlgalka ay ciidanku sameeyeen, laakin ilo wareedyo ayaa wargeyska Himilo u sheegay in ciidamada RRU-du ay hawlgalnkan sameeyeen duhurnimadii jimcaha ee doraad,iyaga oo goobtaasina kusoo qab qabtay saddex qof oo midkood haweenay ahayd kuwaais oo la sheegay in looga shakisan yahay argagixisnimo.
Wararka yaa waxay intaa ku darayaan in RRU-du oo raacaya sahan ciidamada sirdoonku sameeyeen ay u daateen laba guri oo midkood yahay jiingad isla markaana ay kasoo qabteen saddexdaa ruux oo laga shakisan yahay.
Wargeyska Himilo uma suurto galin inuu helo masuuliyiinta hay’adaha amaanka Somaliland oo wx laga waydiin lahaa hawlgalkan dadka lagu qab qabtay laakiin qaar kamida dadka degan xaafada laga soo qabtay saddexdan ruux ayaa wargeyska u sheegay in ciidanku guryaha ay dadka ka qabteen ay ka heleen hub nooca fudud ah.
Dhanka kalena intii hawlgalkani socday waxa aad loo adkeeyey amaanka xaafada ay ku yaalaan labada guri ee saddexda qof laga qab qabta, iyada oo ciidan badan la dhigay sakad kaste oo kamida xaafadaha .
Siurce: Himilo








